18 May oo ku fashilanatay London.
By Khadar Dirir Editor Of Somali Eye Magazine
18 may oo ku fashilanatay magalada London, 18 may waxay ahaan jirtay iyo waxay noqotay
Sandadii ugu danbeeyay 18 May waxaa soo caan baxay in loo sameeyo heeso kala duwan oo dadka lagu hananayo, sanadkii 2009 waxa hees soo saartay fananada caanka ah ee Maryan Mursal, heestaa oo dad badan hanatay. Sanadkan waxa la diyaariyey in heeso badan laga qaado goobtii lagu qabanayey xafladda, Abwanaaka Saciid sheekh abukar oo isaguna sameeyey heeso ay qaadayeen fanaanian badan, iyadoo Nimco Yasin iyo Abdi Qaboojiye soo saareen heeso uu samayey abwaanka Abdi Maasda oo ku nool magalada London.
Hadaba maxa ku dhaacay heesihii sadexada bilood la xafidaayey musiga macaana iyo laxan kii la saaray, habeenkii sabtida ee shan iyo tobankii May waxaan u soo baxanay in aan ka qayab galno malin ku wayn dadka reer Somaliland oo ahayd maalin la xuso.
Iyada oo inta badani marka la joogo qurbaha aanay da’a yarta ku kortay qurbuhu aanay fahmaynin waxa ay 18 May tahay, iyagoo sita calanka Somaliland iyo shaadhadh ay ku qorantahay Somaliland, gabdhuhuna ay dhabanka ku xardhadeen calanka Somaliland.
Xafladii 15 May ee ka dhacday bariga London waxay ku bilaabantay si habsamiyi ay ku jirto iyadoo dakuna ay tuban yihiin wadada dheer ee Romford Road ee bariga London, xafladuna ay socotay muddo ku siman saacad iyo badh ayaa albaabkii waxa soo hirdiyey dhalinyaro ku jeeniqaaran calanka Somaliland halkaasna waxa ka bilaabantahay qas iyo cabsi la soo gudboonaatay dadkii xafladaa joogay ee dabaaldegga doonayey inay muujiyaan, dhanka kalena iyadoo fanaaniinta iyo abwaaniintu ay dibedda tubnaayeen taasi oo markii cid heesta la waayey ama dadka maaweeliya oo la moodayey in fanaaniintu ay ugu talo galeen inaanay madadaalin dadkii madasha isugu yimid.
Hadaba qowlaysatada isugu soo baxday inay dhacaan maalinta qiimaha ku joogta Somaliland maxay bulshadu uga digtoonaan weydey iyadoo sanadkastaba arintanoo kale ay dhacdo.
Hadaba 18 May xusideedii iyo karaamadeediiba waxay ku dhimatay London.









