Wiil la sheegay in gabar ay xiriir lahaayeen ay ku balamisay meel aan ka fogeyn ayaa markii uu tagay lagu balamiyay ayay dadka xaafada oo dhan ka carareen.
Wiilka oo is agtaagay geed ku yaala xaafada ayaa gabadhu degeneyd ayaa caruurta
degeneyd xaafadaasi isu tuseen in uu yahay Juudaanleey, doonaya in uu iyaga cuno,
isla markiiba caruurtii oo carartay iyo warkii oo faafey ayay cid waliba
bilowdey in ay guryaha hoosta ka soo xirtaan.
Isla markiiba wixii dumar iyo caruur ahaa ayaa kala carareen, xitaa gabadhii
balamisay oo aan u heysan in waxa la sheegayo ninkii ay la balantey uusan ahayn
ayaa dhinaceeda ka carartay.
Wiilkii oo u qaatey in gabadhii ay saaxiibada ahaayeen oo ay balansanaayeen ay u
goysay ayaa mar dambe isaga soo dhaqaaqey goobtii, isaga oo luudaya.









