Wiil Habeen kasta Aqal gala(Aroos Cusub).
Wiil lagu magacaabo Cabdi Salaam oo degen xaafada Arjentiin ee degmada Kaaraan, magaalada Muqdisho ayaa weriyeheena sheegay weriyeheena Arrimaha Bulshada in habeen kasta uu aqal galo, aroos cusub.
Weriyaha oo arrintan aad ula yaabey ayaa weydiiyay Cabdu salaam sababta uu habeen walbo u aqal galo, wuxuuna sheegay Cabdi salaam in habeen walbo uu riyo ku aqal galo, Wuxuu sheegay in habeen kasta uu la aqal galo mid ka mid ah atariishooyinka aflaamta Hindida oo uu aad u jecel yahay.
Wuxuu sheegay in Hadiiba uu filim fiirsado uu isla habeenkii marka uu seexdo uu ku riyoodo isaga oo la aqal galaya, weliba xaflad aad loola yaabo loo dhigayo, wuxuuna sheegay oo kale in uu isagana habeen kasta ama galab kasta uu hal filim fiirsado.
Ma sheegin Cabdi salaam in ay jiraan haween kale oo uu ku riyoodo isaga oo la aqal galaya.








